|
Jalalaqsi,(insidesomalia.org)-Kulan Balaaran oo socday mudo 5 maalin ah isla markaan ay isugu yimaadeen Golaha Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan.
Kulankani oo ahaa mid aad u balaaran ayaa ujeedka loo qabtay waxaa uu ahaa mid ay ergada ka soo qeyb gashay ay go’aan uga qaadanayeen madaxda Maxaakiimta ee ku sugan gudaha dalka Kala qeyb sanaanta soo kala dhex gashay Madaxda Sar Sare ee Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Dibadiisa waxaana dood dheer kadib ka soo baxay kulankaasi go’aamo Muhiim ah.
Shiikh Cabdiraxiin Ciise Caddoow oo ah Afhayeenka Howlgalada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxaa uu warbaahinta u aqriyay Qodabadii ku qornaa bayaan ay ka soo saareen kulankaasi waxaana uu sheegay in kulankaasi uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah waxaana qodobada ka soo baxay ka mid ah.
In Midnimada Maxaakiimta Islaamiga uu yahay mid muqadis ah.
In wax saameeyn ah uusan ku yeelan Xoogaga Maxaakiimta Islaamiga qilaafka soo kala dhex galay madaxda Sar Sare ee Maxaakiimta islaamiga.
In la adkeeyo heshiikii Maxaakiimta Islaamiga Ay ku gaareen Magaalada Sanaca ee Dalka Yemen .
In Culumaa’udiinka Soomaaliyeed la aruuriyo si ay uga qeyb qaataan Xalinta Qilaafka Soo kala dhex galay Madaxda Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed isla markaana ay u sii anba qaadaan Heshiiskii Sanca.
In aaneey taageerin wax ka baxsan heshiikii Sanca ee ka soo baxa shirarka ka kala soconaya Jabuuti iyo Asmara.
Kulankani oo ahaa mid ay ka soo qeyb galeen ergo gaareeysay 78 xubnood isla markaana ka kala yimid gobolada Mudug, Hiiraan, Sh/Hoose, Shabelaha Dhexe,JubadaHoose,Jubada Dhexe,Galaduud,Gedo,Bay iyo Bakool ayaa waxa ay dhamaantooda isku wada Raaceen in la dhaqan galiyo qodobada ka soo baxay kulankaasi isla markaana la adkeeyo Wada Jirka Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed.
Shiikh Cabdiraxiin Ciise Caddoow ayaa waxaa uu sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay maskaxdooda ka saaraan waxyaabaha ku soo dhacay ee ku saleysan qilaafka Soo kala dhex galay Maxkamadaha isla markaana waxa uu xusay in dhawaan la dhameyn doono qilaafkaasi.
Waa kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed tan iyo markii qilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Masuuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ee kala jooga Dalalka
Eritrea iyo Jabuti.
|